Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku suganaa Magaalada Cadaado ayaa shalay galab gaaray degmada Baxdo ee katirsan gobolka Galgaduud.
Saraakiishaan waxaa hogaaminaya Taliyaha Guutada 1-aad ee Qeybta 12-ka April Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici), waxaana qeyb ka ah saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.
Sida aan wararka ku helnay saraakiishan ayaa u tagay Baxdo abaabulka dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo ku sugan deegaano hoostaga degmadaasi iyo sidii howlgalka kooxdaasi ka dhan ah loo balaarin lahaa.
Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo deegaano kale oo hoostaga ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday abaabul dagaal ay wadeen dadka deegaanka oo gacan ka helaya ciidanka dowladda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com