Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Howlgal degaano cusub looga saaray Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Awbakar Dhagaweyne qaar ka mida hogaanada dhaqanka iyo Saraakiisha Guutada 5-aad ee Ciidanka Gorgor ayaa gaaray Degaanka Xasan-Raqay oo lagala wareegay Al-Shabaab.

Cali Jeyte ayaa xusay in Degaanada laga saaray Al-shabaab laga abuuri doono Adeegyada muhiimka ah ee bulshada iyo maamulo si shacabka loo kobciyo wadaniyadooda.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu baaqay ciidamada Al-shabaab iney isku soo dhiibaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka, isagoo u balan-qaaday iney soo dhoweyn doonaan.

Waxaa uu intaas ku daray iney socon doonaan howlgalada inta Al-shabaab ay joogaan taako ka mid ah gobolka Hiiraan.

“Waxaa meel wanaagsan marayo howlgalada fib u xoreynta Degaanada ee Gobalka Hiiraan iyadoo dagaal saf balaaran ah lagula Jiro argagixisada Al-shabaab qeybna ay ka yahiin shacabka Deganada Gobalka Hiiraan iyo Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliyeed” ayuu yiri Cali Jeyte.

Related posts

Saciid Ciise: “Yaa ku haboon wadatashiga isbedelka lagu sameynayo masiirka ummadda?

Caydiid Ali

Warbixintii ugu dambeysay oo laga soo saaray xaalada cudurka COVID-19 ee Somalia

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweynaha K/Galbeed oo la dardaarmay Boolis la geynayo Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---