Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka ka qaaday wasiir ku xigeenkii wasaaradda Garsoorka maamulkaas Cismaan Cabdullaahi Dhoore.
Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xusseen ayaa waxaa sidoo kale xilkaas loogu magacaabay Xassan Cabdi Yuusuf
Laguma xusin wareegtada sababta xilka looga qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Garsoorka Hirshabelle Cismaan Cabdullaahi Dhoore oo xilkaas hayey muddo kooban.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA