Waxaa magaalada Muqdisho ku soo wajahan Madaxda dowlad goboleedyada dalka, iyagoo ka qayb galaya shir la filayo iney la qaataan madaxda sare ee DF sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon karo.
Kulankan ayaa yimid ka dib markii uu fashilmay shir magaalada Muqdisho uga socday Wasiirka Maaliyadda DF iyo Wasiirada Maaliyada dowlad goboleedyada dalka kaasoo looga hadlayey qaabkii loo wada shaqeyn lahaa iyo qeybsiga deeqaha lacageed ee DF loogu deeqo.
Shirka madaxda DF iyo maamul goboleedyada ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin maareynta abaaraha ka jira iyo dagaalka Al-Shabaab, marka laga yimaado waxyaabaha ay isku mari waayeen Wasiirada Maaliyada DF iyo dowlad goboleedyada
Wasiirada Maaliyada dowlad goboleedyada ayaa sii joogi doona Muqdisho inta madaxda sare ee DF iyo dowlad goboleedyada ka xalinayaan waxyaabaha la isku mari waayey.