Allbanaadir.com
NEWS

Caruur Dhibaato ay kasoo gaartay indho-kuul ay marsadeen

Sadex caruur ah ayaa isbitaal loola cararay dalka Australia kadib markii ay dhibaato kasoo gaaraty Indho-kool ay marsadeen, waxaana hada laga digayaa isticmaalka Indha-kuushaasi oo dhibaato ka dhalan karta.

Saraakiil caafimaad oo baaritaano ku sameeyay indho-kuusha dhibaatada kasoo gaartay caruurtan ayaa sheegay in ay ku badan tahay Maadada Lead-ka oo keentaa halis dhinaca maskaxda iyo kilyaha ah, gaar ahaan carruurta.

Indha-kuushan dhibaatada caruurta kasoo gaartay ayaa waxaa soo saarta shirkadda Hashmi ee laga leeyahay dalka Pakistan, waxaana Australia dadka ugu baaqday in ay joojiyaan isticmaalka alaabaha la’isku qurxiyo ee shirkadda Hashmi .

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Indha-kuushan dhibka keentay ay ku badan yihiin Maaddooyin caafimaadka halista ku ah ay ka mid yihiin Arsenic, cadmium, chromium, iyo mercury, kuwaas oo dhammaantood ah curiyeyaal biro iyo waxyaabo kale isugu jira, mana  loogu talogalin isticmaalka bini’aadamka si aanan habboonayn.

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada la keeno Indha-kuusha iyo waxyaabo kale oo laga keeno dalal ay ku jiraan dalka Pakistan, mana jiro koontarool lagu sameeyo alaabaha Soomaaliya ganacsi ahaanta loo keeno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan dhexmaray Masuuliyiin ka tirsan Xamaas iyo Israel oo lagu kala kacay

Caydiid Ali

Madaxweyne kuxigeenka Puntland weerar afka ah ku qaaday Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay khariidadii ay Itoobiya soo bandhigtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---