Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Kismaayo kusoo laabtay si weyna loogu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, kadib safar dibada ah oo uu ku maqnaa.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey labada Madaxweyne kuxigeen, labada Gole ee Dowladda iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo kasoo qayb galay soo dhaweeynta Madaxweynaha.

Axmed Madoobe ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana halkaasi intii uu ku sugnaa kulamo aan la shaacin la qaatay madax katirsan dowladda Kenya iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dhawwaan hal sanno oo dheeraad ah xilka ugu dareen xildhibaanada Jubbaland ayaana wali ka hadlin go’aanka Baarlamaanka , waxaana tallaabadaasi kahor yimid siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal cusub tijaabisay xilli Dhoolotus sameeyeen Mareykanka iyo …

Cabdi Cade

Ilhaan Cumar oo sheegtay in Trump uu Maraykanka u maamulo sida ilmo 8 jir ah oo kale

Caydiid Ali

Dowlada oo wada Qorshe ay Sadex Musharax uga reebeyso Doorashada Koonfur Galbeed (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---