Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiisad ka dhalatay Magacaabista Gudoomiye Madaale oo ka taagan Muqdisho (Sawirro)

Xiisad ka dhalatay magacaabista xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka taagan magaalada Muqdisho ka markii ay gadood sameysay mid ka mid ah beelaha Mudulood oo ka carootay talaabadaas, iyagoo ku andacoonaya in markii hore iyaga laga balan-qaaday, loogana baxay.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

Waxaa burburay shir Saraakiisha, mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Galmaax Yoonis la qaateen xildhibaano ergo ka ah Madaxweyne Xassan Shiikh oo kala ahaa Maxamed Cajiib iyo Yaasiin Farey sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo lagu kalsoom yahay.

Madaxtooyada ayaa ku dooneysay inay ku qanciso beesha Galmaax in la siinayo Safiir macno leh iyo xilal kale hase ahaatee beesha ayaa ku gacan seyrtay, iyagoo xusay ineysan ku qanceyn wax ka yar guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan waxaa socda shir kale oo beesha Galmaax Yoonis ku leedahay degmada Kaaraan, uguna hadlayso tallaabada xigta ee ay qaadeyso.

Shirka waxaa hoggaaminaayo Xildhibaan Xaadoole, Gen. Hassan Mohamed Hussein Mungab iyo saraakiisha kale ee Galmaax Yoonis sida Col. Mas-dille iyo Yaasiin Geeddi.

Sidoo kale waxaa baaqday kulan caawa Villa Somalia ka dhici lahaa kaasoo ka dib markii xubnaha beesha Galmaax ay diideen gogol uu ugu yeeray Madaxweyne Xassan shiikh si xal looga gaaro gadoodka beesha, lamana oha sida arrintan xal looga gaari karo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii lagu qaaday hotelka SYL iyo baaritaano socda

Cabdi Cade

Qadar oo Saraakiil iyo Ciidamo cusub u tababartay Soomaaliya iyo Ujeedada laga …

Cabdi Cade

Ammaanka Isbitaal kuyaalla Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay kaddib Digniino amni oo soo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---