Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muuse Biixi: “Hooyadey baa igu canaanatay muranka ka taagan doorashooyinka”

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku tagay Gobolada  Galbeed gaar ahaan Gobolka Awdal oo si weyn loogu soo dhaweeyey Weftiga Madaxweynaha Qaranka.

Muuse Biixi Cabdi iyo wafdgiisa ayaa lagu soo dhaweeyey jiidaha u dhexeeya Gabiley iyo Boorama iyadoo ay wadadda hareero tubnaayeen bulshada qaybeheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ka qayb galay xafladda qalin-jebinta ardayda dhamaysatay Jaamacadda Camuud.

Muuse Biixi Cabdi oo ardayda maanta qalinjebisay khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa u jeediyey, ayaa ugu hambalyeeyey guushooda waxbarasho, isagoo bogaadiyey cid kasta oo geeddigaas guulaystay qayb ka ahayd.

“Waan hambalyeynayaa ardayda maanta qalinjebinaysa, waxan bogaadinayaa waalidiintii kusoo tacabtay, waalidiintooda, jaamacadda Cammuud iyo macallimiintooda halkan soo gaadhsiiyey.”

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey muranka ka taagan doorashooyinka ayaa sheegay in hooyadii ay ka carootay isqabqabsiga Siyaasaddeed ee ka taagan Somaliland, gaar ahaan arrimaha Doorashada.

“Waar miyaanad nin weyn oo xishoonaya oo wax isku falaya ahayn?, waar gabar kasta oo halkan iigu timaadaa waxay i leedahay xalay waanu daawanaynay oo wuu il xumaa oo wuu xanaaqsanaa, waar xishoodoo haddaad hadlayso aqallada haka dhex hadline oo dadka ha hor taagnaane raggu geed buu ka hadlaaye isaga joog caydan aad maalin walba isku tebinaysaan” ayuu yiri Muuse Biixi.

 

Related posts

Ciidamada Ruushka oo galay Kharkiv iyo dagaal culus oo ka socda (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oon wali ka jawaabin casuumad uu usoo diray Saciid Deni

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay guusha kiiska Badda, eedeymo culusna u jeediyey Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---