Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Cadeeyay in uusan ku farxin guushii William Ruto

Madaxweynaha xilka ka degaya ee dowladda Kenya Uhuru Kenayatta , ayaa sheegay in uusan ku farxin guushii uu doorashada madaxweynaha ka gaaray saaxiibkiis hore ahaana kuxigeenkiisa William Ruto.

Uhuru Kenyatta oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Ismaamulka Kajido oo ay ku kulmeen xubnaha usoo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ee Azimio , ayuu ku sheegay in uu ka naxay in doorashada looga adkaaday saaxiibkiis.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Kenya in uu aad u jeclaa kuna farxi lahaa in xilka madaxweynaha Kenya loo doorto Raila Odinga, waxa uuna cadeeyay in wali uu taageersan yahay Raila uu ugu yeeray Baba.

Madaxweynaha xilka wareejinaya ee dalka Kenya ayaa  sheegay in haddii Raila Odinga loo dooran lahaa madaxweynaha in Kenya ay cagta saari lahayd wado toosan oo horseeda guul iyo barwaaqo.

Hadalkan kasoo baxay madaxweynaha Kenya ayaa imaanaya xilli doorashada looga guuleestay isaga iyo saaxiibkiisa Raila, waxaana Uhuro la filayaa in xilka ku wareejiyo Madaxweynaha la doortay ee Ruto 13-ka bishan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boosaaso oo lagu soo bandhigay Waxyaabaha Qarxa iyo rag diyaarinayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Hanti Dhowraha Qaranka oo meel ku sheegay 18-kii Malyan ee Qasnada dowlada laga waayay

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo hanjabay “Waa soconayaa dagaalka inta taako Somaliland ah cadowgu ku jiro”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---