Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda ICJ oo go’aan ka gaartay dacwad Qatar ka gudbisay UAE (Video)

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaallada (ICJ) ayaa go’aan ka gaartay Dacwad ay dowladda Qatar u gudbisay ee ka dhanka ahayd dowladda Imaaraadka.

Dacwadan ayaa ku eedeyneysa Imaaraadka Carabta inay falal ka baxsan xuquuqda aadanaha kula kacday dadka u dhashay dalka Qatar ee ku sugnaa Imaaaraadka, sida in laga joojiyo waxbarashada, caafimaadka iyo dalkaasi oo laga saaray qoysas la kala qeybiyay, waxaa kaloo dacwadda ku jira xayiraadda ay Imaaraadka saartay Qatar iyo ololeyaal lagu sumcad dilayo qaranimad Qatar oo ay maalgeliso Imaaraadka.

Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ C/qawi Ahmed Yuusuf ayaa ku dhawaaqay Go’aanka dacwadii Maxkamadda iyadoo dowladda Imaaraadka ku xukuntay inuu ku xadgudbay dadka reer Qatar ee dalkeeda ku noolaa, kadib xiisadii Khaliijka oo si gaara ay u beegsatay, iyadoo lagu amray inay xuquuqdoodu soo celiso qoysaska reer Qatar iyo Ardayda dalkaasi ee dhibaatada loogu geystay dalka Imaaraadka inta go’aan kama dambeys ah laga soo saarayo dacwadda.

Maxkamadda ayaa Imaaraadka ku xukuntay inay dhowrto Xuquuqda Insaanka, isla markaana ay ogolaato in qoysaska reer Qatar ee ay dalkeeda ka ceyrisay dib ugu soo laabtaan, isla markaana ay ogolaato si waajib ah in ardayda dalka Qatar ay Imaaraadka ku dhammeystaan waxbarashadii uga socotay dalkaasi.

Dacwadda labada dal ayaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah uu kasoo baxo iyadoo arrinta maanta ay soo saartay maxkamadda ay ahayd mid hordhac ah oo degdeg looga doonayo inay Imaaraadku hirgeliso.

Dowladda Qatar ayaa soo dhoweysay go’aanka ka soo baxay maxkamada, balse waxaan weli ka hadlin dowlada imaaraadka oo aan la ogeyn iney aqbali doonto go’aanka Maxkamada iyo in kale.

HOOS KA DAAWO WARBIXIN ARINTAN KU SAABSAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaliilay qaabka uu uga hadlay Mashruuca Baxnaano

Cabdi Cade

Sidee Xassan Shiikh iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Nairobi? (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Dagaalyahano gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---