Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka G/Hiiraan oo War cusub ka soo saaray kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhaxeeyay dadka degaanka iyo Al-shabaab oo ka dhacay degaanka Ceeley oo 28km u jira degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay inay soo furteen dad iyo xoolo ay Al-shabaab ka afduubeen deegaanno hoos yimaada degmadaasi ayna khasaare xoogan gaarsiyeen Al-Shabaab.

Muumin Maxamed Xalane ayaa xusay in sidoo kale ay ka qabsadeen Al-shabaab deegaano hoos yimaada degmada Maxaas oo ay horey gacanta ugu hayeen.

“Waan sii wadeynaa dagaalka aan kula jirno argagixisida Al-shabaab tan iyo inta aan la sifeynayno guud ahaan gobolka Hiiraan iyo degaanada ku dhow” ayuu yiri Muumin Maxamed Xalane.

Al-shabaab ayaa dhacdooyin isugu jira dilal iyo gubida Ceelal iyo Xarruumo Isgaarsiineed ka waday deegaaada hoos yimaada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud taasoo sababtay in dadka shacabka ah iskood ah isu abaabulaan, dagaalana la galaan Al-shabaab.

Related posts

(Akhriso) DF oo amaro culus ku soo rogtay xarumaha Caafimaadka iyo Isbitaalada

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey Waan-waan cusub oo laga dhex bilaabay Farmaajo iyo Rooble

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo arin Muhiim ah kala hadlay Anita Kiki iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---