Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha dalka Ukraine oo Shaaciyay in Gargaar usoo dirayaan Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dalkiisa gargaar bini’aadanimo usoo dirayaan dalka Soomaaliya oo xilligan qeybo kamid ah ka jiraan abaaro dad iyo duunyaba saameyn xooggan ku yeeshay.

Qoraal uu madaxweynaha soo dhigtay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in gargaar cunto u dirayo Soomaaliya maalmaha soo socda, waxa uuna xusay in uu rejo ka qabo in gargaarkan uu wax u taro dadka baahiyaha u qaba.

”Marka laga soo tago maraakiibtii hore ee u siday Badarka Afrikaanka, 28,600 oo tan oo sarreen ah, ayaa la keeni doonaa Soomaaliya toddobaadyada soo socda.” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, ayaa cadeeyay in tallaabadani gargaarka ku dirayaan ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto in Qamadiga lagula tacaalo cunto yarida soo food saartey dunnida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo fariin u diray masuuliyiinta maamulka Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Mahad Salaad oo sharci daro ku sifeeyey qoraalkii DF ka soo saartay doorashada Galmudug

Caydiid Ali

DF oo qaaday talaabo cusub kaddib heshiiskii Golaha Wadatashiga ee Doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---