Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in qaar kamid ah golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa awoodda badan leh qorshanayaan in xilka ka qaadaan ama shaqada ka joojiyaan agaasimayaasha guud ee wasaaradahooda.
Wasiiradan ayaa sida aan xogta ku helnay ku qanacsaneyn la shaqeynta agaasimayaasha guud ee wasaaradaha horey u joogay, kuwaa oo qaarkood xiriir dhaw la lahaa madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo, halka kuwa kalana sannado badan joogeen.
Agaasimayaasha guud qaarkood ee lala damacsan yahay xil ka qaadista ayaa lagu eedeenayaa in ay ku kaceen falal la xariira musuq maasuq iyo sidoo kale in aysan la jaanqaadi karin hirgelinta barnaamij siyaasadeedka xukuumadda Dan Qaran.
Qaar kamid ah Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa doonaya in agaasimayaal guud ka dhigtaan xubno iyagu si gaar ah u wataan kuna shaqeyn kara siyaasadda Dan Qaran ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamse Barre.
Sida aan xogta ku helnay agaasimayaasha guud qaarkood ee xil ka qaadista lala damnacsan yahay ayaa dhankooda bilaabay dagaal siyaasadeed, waxa ayna cabasho ula tageen xildhibaanada matala si ay ugu ilaaliyaan boosaska ay joogaan.
Xildhibaano dhoor ah oo difaac u ah agaasimayaasha guud qaarkood ayaa u tagay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre, waxa ayna ka codsanayeen in xubnaha iyaga matala aan la taaban karin boosaskooda.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasaan Sheekh ayaa la filayaa in isbadalo badan ku sameyso hay’adaha kala duwan ee dowladda ay joogaan xubno aad ugu dhawaa dowladihii hore, waxaana dowlada boosas ka heli doono xubno aad ugu dhaw kooxda Madaxweynaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com