Waxaa markii ugu horeysay shaashadaha wararka TV-yada Kenya kasoo muuqanaya lammaane is qaba oo si wada jir ah war u akhrinaya.
Gabadha caanka ah ee talefishinada ka hadasha Lulu Xassan ee afka Sawaaxiliga ayaa waxaa kusoo biiraya saygeeda Rashi Cabdalla oo markii hore ay ka hawlgalayeen labo taleefishin oo kala duwan.
Rashid ayaa kusoo biiraya taleefishinka Citizen oo ay Lulu ka shaqaynaysay, islamarkaasna ay qof kale lasoo jeedin jirtay barnaamijka caanka ah ee Nipashe.
Iidheh badan ayaa loo sameeyay barnaamij wareedka lammaanaha ay jeedinayaan ka hor inta aysan hawada soo galin.
Rashiid ayaa horey uga hawlgali jiray taleefishinka ay kan tartanka ku jiraan ee NTV, wuxuuse hadda ku soo biiray Citizen TV, isaga oo badalaya gabadha lagu magacaabo Kanze Dena oo noqotay afhayeenka madaxtooyada Kenya.
Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa ammaanay lammaanaha shaqada meesha qura ka wada bilaabay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com