Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf hareeyay Shirka u Socda Wasaaradda Maaliyadda DF iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo fashil…

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socday shir xasaasi ah oo u dhaxeeya wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee dalka ka jira.

Shirkan ayaa furmay 5-tii bishan ayaa intii uu socday waxaa hareeyay khilaaf xooggan oo soo kala dhax galay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana labada dhinac isku hayaan qodobo dhoor ah.

Xogaha shirkan inta uu socday ayaa inta badan laga ilaaliyay loona diiday in ay goobjoog ka ahaadaan warbaahinta, balse warar si hoose usoo baxay ayaa sheegaya in shirka fashil ku dhaw yahay haddii aysan dabacsanaan isku muujin dhinacyada shirka u dhaxeeyo.

Qodobka ugu adag ee isku hayaan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ah sida loo qeybsanayo lacagaha deeqaha ah ee lagu helo magaca Soomaaliya, taa oo la sheegay in DF dooneyso in sida ay rabto u maamulato deeqahaasi.

Shirkan oo lagu waday in maanta lasoo gabagabeeyo ayaa laga cabsi qabaa in fashil ku yimaado, haddii aan xal laga gaarin qodobada ay isku hayaan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa dhawwaan soo saaray go’aan ay ku shaacinayaan in ay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, talaabadaasi ayaana keentay shirkan hadda labada dhinac u furmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo sagootiyey danjire Mohamed Ahmed Al-Cuthmani (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne William Rutu oo Axmed Isaaq u magacaabay xil cusub

Cabdi Cade

Al Shabaab oo la sheegay in Xayiraad kusoo rogeen Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Cabdi Cade
Taboola Ads ---