Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa in kulan gaar ah ka yeeshaan xaalado kusoo kordhay Soomaaliya , waxaana kulankan inta uu socdo diirada lagu saari doonaa isbadalka Soomaaliya ka dhacay iyo xaalado soo kordhay.
Kulanka golaha ammaanka ka yeelanayana xaalada Soomaaliya ayaa warbixino looga dhageysan doonaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.
Golaha ammaanka ayaa kulankooda diirada ku saari doona isbadalka ka dhacay Soomaaliya 15-kii May iyo sidoo kale xaaladaha ammaanka Soomaaliya gaar ahaan weerarada Al Shabaab ee kordhay iyo xaalada abaaraha ee sii xumaanaya.
Kulankan golaha ammaanka ka yeelanayaan Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xumaanayo ammaanka dalka qeybo kamid ah ayna ka socdaan dagaalo, waxaana la filayaa in kulanka kasoo baxaan go’aano .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com