Dagaal xooggan oo dhaxeeya Dadka deegaanka iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Ceeley oo 28km u jira degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degaankaas
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay dad iyo xoolo ka wateen deegaan aan ka fogeyn halka uu dagaalka ka socdo, taasoo keentay in dadka deegaanka oo carreysan ay weerar ku qaadaan raggii Afduubka geystay.
Sida ay sheegayaan wararku dagaalka ayaa soo gaaray illaa caawa oo halka uu ka socdo laga maqlayo daryanka rasaas iyo qaraxyo waaweyn.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalka, isgaarsiinta oo xun awgeed lama oggaan karo waxa rasmiga ee ka socda deegaannada u dhaw Maxaas.
Saacadihii la soo dhaafay, abaabul xooggan ayaa ka socday deegaannada Gobolka Hiiraan, kaasoo looga jawaabayo weeraro ay Al-shabaab dad badan ku laayeen oo ka dhacay halkaasi.
Dhinaca kale, Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ay dadka deegaanka oo garabsanaya Ciidanka Ammaanka Dowladda ku qaadeen deegaanka Dhuumoodle oo hoos yimaada degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobihii lagu dagaalamay ay la wareegeen dadka deegaanka, isla markaasna Shabaabkii ay baxeen dhinaca deegaanka Xiindheere.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dagaalka ka dhashay, balse lama oga inta uu la egyahay.
Dhinaca kale, deegaannada hoos yimaada Degmada Baxdo waxaa ka socda Abaabul ka dhan ah Al-shabaab, kaasoo looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin halkaasi.