Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM oo dalka yimid & RW Xamse oo qaabilay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, Martin Griffiths.

Waxay  ka wada hadleen wada shaqeynta iyo xiriirka hay’adaha Dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay ee la xiriira arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo samafalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso arrimaha gurmadka abaaraha iyo u diyaar garowga sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqtay, iyadoo ay Dowladdu xooga saari doonto, buu yiri sidii loo heli lahaa qorshayaal fog oo looga hortagayo abaaraha.

Dhanka kale Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, ayaa sheegay in farriinta uu u qaadi doono caalamka ay tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay tahay mid Dimuqraaddi ah, isla markaana leh siyaasado fadhiya oo ay wax ugu qabaneyso shacabkeeda – caalamkana uu ka codsan doono in gacan la siiyo Soomaaliya xilligan adag ee ay ku jirto.

Related posts

Iska horimaad iyo dil ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo shaacisay in uu baaqday kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Cabdi Cade

Sacuudiga oo daroogo culus ku qabtay rag ka soo jeeda Somalia & dalal kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---