Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Xijaar oo sharaxaad ka bixiyey howgalkii saaka ka dhacay degaanka Basra

Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska ay burburiyeen Maxkamad Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Basra ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

S/Gaas Cabdi Xasan Max’ed Xijaar oo Warbaahinta Qaranka u waramay ayaa sheegey in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan laguna guuleystay.

Taliye Xijaar ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada ay xasuuqeen, jab xooogana u geysteen kooxihii ka tirsanaa Al-shabaab ee halkaas joogay, halka kuwo kalena gacanta lagu soo dhigay.

“Ciidamada geesiyaasha ah ee howlgalka fuliyey waxaa ka dhintay hal askari, mid kalena dhaawac fudud baa soo gaaray” ayuu yiri taliye Xijaar oo ka hadlayey khasaaraha soo gaaray ciidamada amaanka.

Waxaa uu intaa ku daray in ciidamadu ay joogteyn doonaan howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa inta dalka oo dhan laga ciribtirayo.

HOOS KA DAAWO HADALKA TALIYE XIJAAR

Related posts

(Akhriso) War-mutiyeed ka soo baxay shirkii Wasiirada Amniga dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Faahfaahin: Gudoomiyihii Maxkamada gobolka Sh/hoose oo toorey lagu dilay

Caydiid Ali

Fahad Yasin: “Waxaa socda shirqoolo ka dhan ah ciidanka XDS”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---