Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Xamze: “Somalia waxay leedahay labo cadow oo u baahan in la ciribtiro”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay laba cadow oo dhibaato ku haya, kuwaasoo loo baahan yahay in dalka laga ciribtiro.

Xamse Cabdi Barre ayaa intaas ku daray in cadawga koowaad ee Soomaaliya ay tahay abaarta saameysay dad iyo duunyo oo haatan halis ku heysa nolosha malaayiin Soomaali ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Raisul Wasaaruhu in sidoo kale cadawga labaad ee ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin Al-Shabaab oo uu xusay iney xasuuq iyo gumaad qaawan ka wadaan dalka.

”Al-Shabaab inaan la dagaalano oo aan iska celino waa waajib na wada saaran dowlad iyo shacab, dhibaatooyinka ay geysteen waxaa u dambeeyey wixii ka dhacay Hiiraan iyo Galgaduud” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Waxaa uu tacsi u diray dadkii ay dhawaan Al-Shabaab ku dileen degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan & Galgaduud, isagoo xusay in haatan ay bilaabatay guusha ummadda Soomaaliyeed isagoo xusay in DF ay dhiirigelin iyo taageero la garab taagan tahay abaabulka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyey daahfurka qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka.

Related posts

Adeeg bilaash ah oo shacabka loo fidiyey Sanadguurada 2aad ee Madaxweyne Farmaajo (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkaddo ka howlgala degaanada Puntland oo xanibaad shaqo lagu soo rogay (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiir difaacay wax ka beddelka Dastuurka fartana ku fiiqay Siyaasiyiinta diidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---