Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masiibo hor leh oo ku soo wajahan Soomaaliya iyo digniino culus oo laga bixiyey

Madaxa arrimaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobey Martin Griffiths, ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin inay ku habsato xaalad macluul ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu sheegay inay jiraan waxyaabo muujinayo in macluul ay saameyn doonto qeybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya inta u dhexeyso October iyo December.

Madaxa arrimaha banii’aadanimada ayaa dhawaan booqasho ku tegay magaalada Baydhabo oo kamid ah deegaannada ay sida weyn u saameeyeen abaaraha ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Wuxuu sheegay in uu ka naxay heerka ay gaarsiinsan tahay dhibaatada iyo xanuunka heysta dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool Baydhabo.

Xaaladdu waa ay ka sii dartay. Abaartu waxay xaalufisay dalaggi, xooluhuna biyo iyo daaq la’aan ayey u dhimanayaan, taasoo keentay in dad badan oo xooladhaqato ah ay waayaan isha kaliya ee ay wax ka heli jireen.

In ka badan 80 boqolkiiba dalka ayaa guud ahaan ah mid engagan, biyaha iyo qiimaha cuntada daruuriga ahna waxaa ku yimid qiimo koror aad u weyn. Saadaasha hawada ayaa ah mid aan la hubin, iyadoo saadaasha cimiladu ay tilmaantay celcelis ka hooseeya celceliska xilli roobabka.

 

Related posts

Shaqsigii bixiyay Amarka lagu dilay Madaxweynihii dalka Haiti oo la shaaciyay

Cabdi Cade

War Murityeed laga oo saaray Shir usoo dhamaaday Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Shacab hubeysan oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---