Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Xamse oo shirweyne ka furay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.Mudane Xamse ayaa tilmaamay in wadajir loogu istaago sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha argagaixisada ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay xorreynta goobaha ay argagixisadu ka soo maleegayaan daadinta dhiigga shacabka, isagoo la wadaagay murugada geerida ehellada  shacabkii ay argagixisadu  ku gumaadeen gobolka Hiiraan.Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada golle ee dowladda, maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil iyo ururrada haweenka.

Related posts

Farmaajo oo Ciida awgeed shacabka Soomaaliyeed kala hadlay Warbaahinta

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan casho la qaatay Wafdi ka socday dalka Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab iyo Ciidamo Mareykan ah oo howlgal dhiig ku daatay ka fuliyay Jilib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---