Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidanka dowladda oo la wareegay deegaano Al Shabaab ka joogeen Hiiraan (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa maanta howlgalo qorsheesan ka fuliyay deegaano hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan , waxa ayna ciidanka howlgalka inta ay wadeen la wareegeen deegaano dhoor ah.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in ciidamada la wareegeen deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Ceemooy. dhagax yaalle, Kilad gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde.

Ciidanka xoogga ayaa sido kale la sheegay in ay gacanta ku dhigeen doomo ay lahaayeen Al shabaab oo ku xernaa wabiga shabeelle, kuwaasi oo Al Shabaab ay u isticmaali jireen in ay ku qaataan saanadda, dhaawacyada iyo gurmadka.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa cadeeyay in ay howlgalka ay wadaan ay sii wadayaan tan iyo inta laga xureynayo kooxda Al Shabaab deegaanada ay ka joogaan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Gobolka Hiiraan waxaa ka socda dagaal ay ciidanka dowladda oo garab ka helaya maleesiyaad beeleed kula jiraan Al Shabaab, waxaana Hiiraan hadda xudun u noqotay howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka oo dib ula Wareegay degaano ay bilo ka hor ka soo baxeen (Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo Qado loogu sameeyay Geed hoostiisa Codsina u diray Reer Dhuuso Mareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay war lagu daabacay Wargeyska The East African

Cabdi Cade
Taboola Ads ---