Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo war ka soo saartay Weerarkii Baar-sanguuni

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isxaaq Cali ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo ay iska difaaceen weerar xoogan oo saaka Al-Shabaab ay ku qaaday fariisin ay ku lahaayeen degaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada hoose.

Aadan Isxaaq Cali ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka toogteen illaa 87 ka tirsanaa kooxihii weerarka ku soo qaaday, isagoo xusay in sidoo kale ciidamadu ku raad joogaan firxadka argagixisada sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay ciidanka Xooga dalka iyo kuwa Jubbaland oo qaaday weerar rogaal celis ah ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isxaaq Cali ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka uusan khasaare weyn ka soo gaarin weerarkaas wuxuuna xusay iney lagu soo wargeliyey weerarka ayna u diyaar garoobeen.

Weerarka saaka ka dhacay Baar sanguuni ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay xerada ciidamada dowlada, waxaana xigay dagaal toos oo halkaas al-shabaab ay ku qaaday, waana weerarkii labaad ee al-shabaab ay bku qaado ciidamada halkaas fadhiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Oslo

Cabdi Cade

Muxuu Xamse Barre kala hadlay Max’uud Sayid Aadan & Madaxda Gedo (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo Eedeyn culus u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---