Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Xamze Barre oo warbixin ka dhegeystay Wasiirka amniga gudaha

Raisul Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin ku saabsan howlaha shaqo ee Hay’adda Socdaalka ka dhegeystay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul).

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Raii’sul-Wasaare Xamse Cabdi Barre u soo bandhigay howlaha hortabinta u leh Hay’add sanadka aan ku jirno iyo qorshayaasha fog ee la doonayo in la fuliyo sanadaha soo socdo.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale u soo bandhigay Raii’sul-Wasaaraha, Waxqabadka sanadkii tagay iyo horumarada la taaban karo oo ay ku tilaabsatay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kuwaasoo ay kamid yihiin dhismaha Xarunta dhexe, hufnaanta iyo dardargelinta adeegyada Hay’adda ay ka bixiso gudaha dalka iyo dibadda.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa kulan la qaatay wakiilka dalalka Geeska Afrika u qaabilsan Hay’adda (IFC) Amena Arif, oo ka mid ah Hay’adaha hoos taga Bangiga Adduunka.

Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in  bulshada Soomaaliyeed  laga taageero, dhinacyada maalgelinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iyada oo qeyb weyn ka qaadan karta shaqo abuurka iyo xoojinta dhaqaalaha dalka.

 

Related posts

Ilhan Cumar oo fariiin u dirtay Soomaalida ka dib guusheedii doorashada Mareykanka

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Queenstown iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

RW Khayre & Culimada Soomaaliyeed oo ka wada hadlay xalinta arrin maalmahan si weyn loo hadal hayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---