Madaxweynaha xilka haya wuxuu ka dhaxlay madaxweynihii xilka uga horeeyey miinooyin siyaasadeed oo loogu duugey mariinka hogaaminta dalka lagu hormarinayo, kuwaasoo caqabado ku ah ku tilaabsiga waxqabad deg deg u muuqan kara, waxaana taas bedelkeeda wakhti badan lagu dhumiyaa xaaridda iyo miino ka saaridda mariinka lagu hormarinayo hogaaminta dalka.
Waxaa horyaala madaxwynaha dhawaan xilka qabtay jidgooyooyin dhinac walba ka yaala sida, caqabadaha ka haysta madaxda maamul goboleedyada, caqabadaha ka haysta qabiilada, caqabadaha ka haysta xagjirka, caqabadaha ka haysta wadamada deriska iyo kuwa deris xigeenka, caqabadaha ka haysta amniga, caqabadaha ka haysta dhaqaalo xumada dowladda, caqabadaha ka haysta kala hufida ciidanka iyo maleeshiyaadka xagjirka ku dhexmilan, caqabadaha ka haysta abaarta ka jirta dalka, caqabadaha ka haysta deeqbixiyeyaasha bulshada caalamka, caqabadaha ka haysta dhismaha maamul goboleedyo ay shacabkoodu soo doortaan madaxdooda, caqabadaha ka haysta degenaansho la’aanta siyaasadeed iyo siyaasiyiinta jirjirooleyaasha ah oo xil haddii ay waayaan dagaal siyaasadeed ku qaadaya hagardaameynta horusocodka hogaaminta dalka, iyo caqabadaha ka haysta dhismaha maamul goboleedka dowladda Banadir iyo tabashooyinka Shabeelaha Hoose.
Hiiraan iyo Galmudug waxey noqdeen degaanada ay waxyeelada ugu badan ay ka soo gaarto dhibaatooyinka laga dhaxlay xiliga kala-guurka, waxeyna labaduba aysan haysan hogaamiyeyaal wanaagsan iyo siyaasiyiin ay shacabku soo doorteen oo ka danqada hogaan xumada siyaasadeed, taas waxey dhaxal siisay madaweynaha xilka haya inuusan waxba hadda u geli karin, iyaguna aysan waxba u geli karin, waxaana sidaas ku dhumay awood baaxad weyn oo labada dhinac ay wadaagi lahayeen, waxaana uu mid walba ku qasban yahay iney iskood u xalistaan caqabadaha haysta iyagoo mid walba uu goonidiis keligiis isugu tashanayo.
Hiil sokeeye waxaa hela madaxweynaha ugu horeyn kasbada taageerada uu ka helayo shacabkiisa ka soo jeeda degaanadiisa oo haddii taas la waayo ay tilmaan foolxun u noqoneyso taageerada walaalnimo oo uu ka filan karo inuu ka heli karo shacab weynaha guud. Hasayeeshee dhiibatadda xanuunka badan oo ay kala kulmayaan cadowyada kala duwan oo uga imanaya dhinacyada badan, kama hor joogsanayaan xiliga adag in qolo walba ay garwaaqsato dhibka kala geeyey inuu soo dhamaanayo mudo yar oo kooban dabadeed, sidaasna dib la isugu soo noqonayo si wadajira oo xoog mideysan caqabadaha taagan lagu wada xalinayo.
Waxaan shaki lahayn in sannadka ugu horeeya uu madaxweynaha cusub uu la kulmayo naar adduunyo, balse ay guul weyn u noqoneyso inuu ka gudbo caqabadahaas oo inta ka dhiman mudo xileedkiisa uu si xaraga leh ku dhameysto. Waxaana is xasuusin mudan in guul kasta gaaristeeda ay ku dadban tahay caqabad dhibaato ku ah ka mirodhalinteeda, balse adeegsiga xirfada siyaasadda ayaa ah aaladda looga gudbo caqabadaha isdabayaala ee lagala kulmo mariinka loo maro maamulka dowladda iyo hogaaminta dalka.
Qore: Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA