Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo soo magacaabay Bedelka Francisco Madeira oo Soomaaliya laga eryay

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika danjire, Mousa Faki Mahamat, ayaa soo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxa uuna ergayga cusub bedelayaa Francisco Madeira oo horey Soomaaliya looga eryay.

Mousa Faki Mahamat, ayaa danjire Mohamed El-Amine Souef usoo magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana la filayaa ergaygan in uu yimaado Soomaaliya lana wareego xilkiisa.

Ergaygan cusub ee noqonaya Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo dhashay dalka Kamaros, waxa uuna horey usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Kamaros iyo sidoo kale safiir uu Kamoros uga soo noqday meelo kala duwan.

Xukuumaddii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ergagii midowga Afrika u joogay Soomaaliya Francisco Madeira dalka ka eryay bishii April ee sannadkan, kaddib markii lagu eedeeyay in uu ku kacay falal lidi ku ah Qaranimada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo Shaaciyay in ciidamada huwanta ah kaabiya ku hayaan Deegaanka …

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo la horgeeyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025

Cabdi Cade

Hadal uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Trump oo hadal heyn iyo caro ka abuuray Hindiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---