Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad macawuusley ah weerar culus ku qaadeen deegaan dhaca duleedka degmadaasi, oo ay heesteen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.
Afhayeen u hadlay kooxda macawuusleyda ee weerarka qaaday ayaa sheegay in ay heleen xogta deegaan ay isku aruursanayeen kooxdaasi, ayna halkaasi ku weerareen kuna gaarsiiyeen khasaaro xooggan.
Sida aan wararka ku helnay dagaal culus ayaa maleeshiyaadka macawuusleyda iyo Al Shabaab ku dhax maray deegaanka Geed-weyn ee kuyaalla duleedka Jalalaqsi, waxaana dagaalka labada dhinac kasoo gaaray khasaaro.
Kooxda Macawuusleyda ayaa sheegtay in weerarka ay Al Shabaab ku qaadeen jawaab u ahaa dadkii ay ku laayeen duleedka Baledweyne, waxa ayna xuseen in dagaalka Al Shabaab uga dileen ilaa 15-nin.
Gobolka Hiiraan deegaano katirsan ayaa waxaa ka socda abaabul xooggan ay wadaan maleeshiyaad macawuusley ah , kuwaa oo isku diyaarinaya in dagaal la galaan kooxda Al Shabaab iyaga oo ka careesan dadkii Al Shabaab ku laayeen Duleedka Baledweyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com