Ergayga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha ayaa maanta dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aaddan gurmadka abaaraha gaarsiiyay Boqorka Dalka Baxrayn, Xamad Bin Ciisa.
Ergeyga ayaa waxaa dhanbaalka uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka guddoomay Raysalwasaaraha dalka Baxreyn, ahna dhaxalsugeha Boqorka, Salmaan Bin Xamad.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey xaalada ba’an ee saamaynta abaarahu ku yeelatay in ka badan 7.7 Malyan oo Soomaali ah, iyo sidii ay dawladda Baxrayn gacan uga gaynsan lahayd gurmadka abaaraha.
Dawlada Baxrayn ayaa ballan qaadday in ay gacan ka gaysan doonto gurmadka abaaraha, iyada oo uu dhinaca kalena, Raysalwasaaruhu kaga tacsiyeeyey dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed xasuqii ay Shabaab ka gaysteen Gobolka Hiiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com