Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Duuliye ku Hanjabay Diyaarad uu waday in uu ku dhufanayo Xarun Ganacsi oo la qabtay

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay duuliye diyaaradeed oo ku hanjabay in diyaarad uu waday ku dhufanayo mid kamid ah xarumaha ganacsi, oo ay  leedahay shirkadda caanka ah ee Walmart.

Duuliyahan oo waday diyaarad nuuceedu ahaa King Air ayaa saacado dul heehaabeesay magaalo kutaalla gobolka Mississippi, waxa uuna ku hanjabayay diyaarada uu wado in uu ku dhifanayo xarun ganacsi ee leedahay Walmart.

Ciidamada ammaanka ayaa durba ku amray in dadka laga daadgureeyo xarun ganacsi oo laheyd Walmart iyo xarumo kale oo ku dhaw dhaw, waxa ayna ciidamada xiriir la sameeyeen ninka diyaarada duuliyaha ahaa ee hanjabaada soo dirayay.

Booliiska ayaa markii dambe duuliyaha diyaarada ku qanciyay in uu soo dejiyo, ciidamada ayaana xiray ninka duuliyaha iyagoo wada baaritaano la xariira kiiskan, lamana sheegin arrintan wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Diyaaradan ayaana khalkhal galisay magaaladii ay dul heehaabeesay, lamana shaacin waxa dhax maray ciidamada booliiska Mareykanka iyo ninkii duuliyaha ka ahaa diyaarada cabsida badan abuurtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka oo weeraray fariisin Al-shabaab ku lahaayeen Ceel-Qansax

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay Howlgalka ka bilowday Mudug iyo la wareegida Ceelhuur

Cabdi Cade

Khilaaf ka dhex aloosan Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal & DF oo ku lug leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---