Allbanaadir.com
NEWS

Trump iyo Hassan Rohani oo Hanjabaadyo culus hawada isku mariyay

Madaxweynayaasha wadamada Iiraan iyo Mareykanka ayaa hawada isku mariyay hanjabaadyo aad u adag ,xili uu ay sii kordheyso xiisada siyaasadeed ee labada wadan ka dhax aloosan.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ugu hanjabay dowlada Iiraan in ay mari doonto ciqaab ay yar tahay cid horey usoo martay hadii ay halis Iirana ku noqoto dowlada Mareykanka.

” Haddii ay halis ku noqoto dowlada Maraykanka Iiraan Waxa ay wajihi doontaa Ciqaab  ay yartahay in la helo dad wajahay marka taariikhda dib loo fiiriyo” ” Ayuu yiri Madaxweyne Donad Trump.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Iiraan Hassan Rohani ayaa dhankiisa si adag ula hadlay Dowlada Mareykanka , waxa uuna sheegay in weerar lagu qaado dalkiisa aan laga faa’iidi doonin waxaan weerar kale aheyn.

”Iiraan hadii weerar lagu soo qaado waxa ay noqon doontaa hooyada weerarada , mana jiri doonto wax aan weerar kale aheyn oo laga faa’iidayo weerarka Iiraan,” Ayuu yiri Madaxweynaha Iiraan.

Dowladaha Mareykanka iyo Iiraan waxaa hada ka dhax aloosan khilaaf xoogan oo cirka isku sii shareeraya, waxa ayna Madaxda dalkaasi hawada isku marinayaan weeraro  iyo hanjabaadyo dhinaca afka ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab Faransiiska leeyahay oo soo badbaadiyay Markab Gantaal lagu dhuftay

Cabdi Cade

Wasaarada Amniga oo liis dheer ka diyaarisay ganacsato dhaqaale ku taageerta Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dib u dhis lagu sameenayo Waddada Laamiga ee Via Uganda oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---