Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo Amar degdeg ah siiyay Saraakiisha Ciidamada (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay shirka amniga Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Kulankaan ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, xogaha dhaqdhaqaaqyada argagixsda iyo howlgalada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha ciidamada in si degdeg ah looga howlagalo xureynta deegaanada gacanta cadowga ku jira oo dadkeedu ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan, isagoo saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan xasuuqa argagixisadu ka geysteen deegaanka afar irdoodka ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku laayeen dad shacab ah kuna gubeen hantidoodii, waxaana uu ku baaqay in si wadajir ah looga qeybgalo howgallada lagu ciribtirayo argagixisada alshabaab.

Related posts

Fiqi: “Haddii Galmudug xabad ka bilaabato waxaa dhabarka u ridanaya Mr. Ma Nabad baa”

Caydiid Ali

DEG DEG: Ciidamo taabacsan hogaanka Ahlu sunna oo la Wareegay degmada Guriceel

Caydiid Ali

Xeer ilaalinta oo shaacisay liiska Masuuliyiin Musuq u xiran iyo kuwa baxsad ah (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---