Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo si kulul uga hadlay Dadkii Al Shabaab laayeen iyo gaadiidkii la gubay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda  al—Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda argagixisada ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi aan waxba galabsan ee cadawgu sida arxan darrida ah u laayay – isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska ATMIS oo War ka soo saartay howlagalada miateri ee ka socda dalka

Caydiid Ali

Guurka gabdhaha aan qaan gaarin hoos u dhaay iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Dad ay waxyeelo kasoo gaartay Kaluun oo ay cuneen oo la dhigay Isbitaalo kuyaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---