Booliiska South Wales ee Boqortooyada UK ayaa 70-sanno kadib raaligelin ka bixiyay xukun daldalaad ah oo lagu fuliyay nin Soomaali ahaa oo dalkaasi kunoolaa, kaas oo si xaqdaro ah loo daldalay.
Maxamuud Mataan oo ahaa nin Soomaali ah oo kunoolaa UK ayaa la daldalady Bishii September 1952, waxaana ninkan si khalad ah loogu eedeeyay in uu ka dambeeyay dil loo geestay qof dukaan iibinayay.
Booliiska South Wales ee UK ayaa hadda qirtay in si khalad ah loo daldalay Maxamuud Mataan, waxa ayna booliiska raaligelin ka bixiyeen xukunka cadaalad darada ahaa ee ku dhacay marxuunkaasi .
“Waa kiis waqtigiisu aad u dheeraa – cunsuriyad, iyo eexna ku jirtay waxa uuna uur ku taallo ku sii ahaan lahaa bulshada oo dhan, iyo xitaa nidaamka cadaaladda dembiyada,” ayuu yiri, Jeremy Vaughan oo ah madaxa booliska.
Waxa uu sheegay Jeremy Vaughan in Maxamuud Mataan ahaa dhibane uu ku dhacay xukun cadaalad darro ah, waxa uuna xusay in kiiska ninkaasi si cadaalad darro ah u maareeyeen booliiska iyo xeer ilaalinta.
Xaaskii Maxamuud Mataan Laura iyo saddex wiil oo ay dhaleen oo la kala yirahdo Daud, Cumar iyo Mervyn, ayaa 46 sano waxay u ololeynayeen in la caddeeyo in uusan dambi galin, hasa ahaatee dhammaan dadkan ayaa wada geeriyooday.
Mid kamid ah lix carruur ah uu awoowe u ahaa Maxamuud Mataan ayaa raaligelinta booliiska ku tilmaantay mid aan cadaalad aheyn, waxa uuna xusay in raaligelintaan soo daahday dadkii mudnaa in la raaligelinaya aysanba hadda nooleyn.
“Aad bay u soo daahday sabatoo ah dadkii ay dilkiisa aadka u saameysay hadda nalama joogaan, weli ma maqalno erayada sida waan ka xunahay,” ayay tiri Tanya Mataan oo uu awoowe u yahay.
Ninkan Soomaaliga ah ee sida xaqdarada loo dilay 70-sanno kahor ayaa laga qoray sheekooyin kala duwan, waxaana ninkan soo baxday in booliiska iyo xeer ilaalinta UK dambi uusan laheyn ku oogeyn sidaasna loo daldalay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com