Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Baar Sanguuni

Dagaalyahano katirsan Kooxda Al Shabaab ayaa saakay waabarigii weerar isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen xero Milatariga Soomaaliya iyo ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay meel xerada ku dhaw, waxaana qaraxa kadib xerada Milatari dhoor jiho kasoo weeraray dagaalyahano hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Dagaal saacad ka badan socday ayaa la sheegay in uu dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidanka Milatariga, waxaana dagaalka khasaaro xoogan uu kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay

Afhayeenka dhinaca Howlgalada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay la wareegeen saldhigga ay weerareen, isla markaana ay ku dileen ilaa 27 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda sidoo kale ku furteen hub iyo saanad kale.

Dhinaca kale sargaal katirsan Ciidanka Milatariga ee lagu weeraray deegaanka Baar Sanguuni ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab, waxa uuna beeniyay in Shabaab qabsadeen xerada ciidanka.

Waxa uu sheegay Sargaalkan in Al Shabaab dagaalyahano badan uga dileen weerarka ay kusoo qaadeen, waxa uuna intaa ku daray in Al Shabaab ka carareen hub iyo rasaas badan sida uu tilmaamay.

Labada Dhinaca ayaa guulo ka sheeganaya weerarka saakay ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni, waxa ayna dadka deegaanka xaqiijiyeen in uu jiro khasaaro xoogan oo soo gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Deegaanka Baar Sanguuni waxaa hada ku sugan ciidanka Milatariga iyo kuwa Jubbaland, waxaa sidoo kale deegaankaasi gurmad ku gaaray ciidamo badan oo ka baxay dhinaca magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Macalin ardaydiisa tusay kartoon aflagaado ku ah Nebiga NNKH oo shaqada laga joojiyey

Caydiid Ali

(Sawirro) Joe Biden oo loo dhaariyey Madaxweynaha 46aad ee dalka Maraykanka

Caydiid Ali

Maxbuus dil ku xukunaa oo si layaab leh uga baxsaday Xabsi kuyaala Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---