Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax rabshado watay oo maanta ka dhacay Degmada Balad Xaawo

Wararka ka imaanaya Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay banaan bax rabshado watay oo looga soo horjeeday ciidamada Kenya oo gudaha usoo galay Balad Xaawo.

Ciidamada Kenya oo watay baldoosaro ayaa la sheegay in ay kasoo gudbeen xadka Kena gaar ahaan dhinaca Mandheera, waxa ayna Ciidamada doonayeen in ay bur buriyaan guryo kuyaala Xadka Soomaalia gaar ahaan degmada Balad Xaawo.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada Kenya ayaa doonayay in ay calaamadeeyaan Xadka ay darbiga ka dhisayaan, waxa ayna Ciidamada doonayeen in ay bur buriyaan guryo ay sheegeen in ay kuyaalaan dhanka Kenya.

Shacabka Degmada Balad Xaawo oo ka careesnaa bur burinta Ciidamada Kenya u geesanyaan guryo kuyaala Balad Xaawo ayaa bilaabay banaan baxyo, waxa ayna ciidamada dadka ku tuurayeen dhagxaan .

Ciidamada Kenya ayaa rasaas ku riday dadkii dhigayay banaan baxa looga soo horjeeday, mana jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay rasaasta ay Cidamada Milatariga Kenya ridayeen.

Banaan baxa rabshadaha watay ee ka dhacay Degmada Balad Xaawo ayaa sababay in maanta joogsadaan dhaq dhaqaaqii ganacsi, xaalada ayaana markii dambe caadi kusoo laabatay kadib markii ciidamada Kenya dib ugu laabteen dhinaca Mandheera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo tagay Goob lagu soo bandhigayay Maandooriye si farsameen loo qariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay Axmed Madoobe & C/rashiid Xiddig u tageen maanta Goobweyn? (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Kufsi u geestay Gabar 1-sano jir ah uu Hooyadeed Qabay oo xukun adag lagu riday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---