Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo shaacisay cida ay ahaayeen dadkii ay ku laayeen deegaan u dhaw Maxaas

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroor hore dad badan oo la socday gaadiid xamuul siday iyo kuwa kale oo safar ahaa ku laayay deegaan lagu magacaabo Afar Irdood oo kuyaalla inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Maxaas.

Warbaahinta Al Shabaab taageerta war lagu daabacay iyaga oo soo xignaya saraakiil katirsan Al Shabaab ayey ku sheegeen in weerarka dadka lagu laayay ay ahaayeen maleeshiyaad katirsanaa macaawiisleyda.

Al Shabaab ayaana sheegtay in gaadiidka la weeraray oo kasoo baxay Magaalada Baledweyne ay hub iyo saanad u wadeen maleeshiyadaka macawuusleyda, oo ay ku eedeeyeen in falal ammaan darro ka abuureen deegaanada ay joogaan.

Waxa ay sheegeen Al Shabaab in weerarka ay ku qaadeen gaadiidka ku dileen dad gaaraya 20-qof ay ku sheegeen macawiisley, waxa ayna Al Shabaab xuseen in weerarkaasi lagu gubay ilaa 8-gaari oo xamuul siday.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli saakay dad badan oo shacab ah lagu laayay  inta u dhaxeysa Baledweyn iyo Maxaas, dadka la dilay ayaana u badnaa darawaladii gaadiidka la gubay iyo kuwa kale oo la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Saraakiil Ciidan oo ka biyo diiday in ay qeyb ka noqdaan Weerarka lagu qaaday Guriceel

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Beenisay War kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed-baxyo looga horjeedo dilkii George Floyd oo ka socda Minneapolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---