Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Magdhaw laga bixinayo Ciyaartoy la dilay 50-Sanno kahor iyo Heshiis laga gaaray

Dowladda Jarmalka ayaa ogolaatay bixinta lacag malaayiin dollar oo magdhaw ah , lacagtan ayaana lasiinayaa qoysaska ciyaartoy u dhalatay Israa’iil oo lagu dilay gudaha Jarmalka sannadkii 1972-dii.

Ciyaartoyda Israa’iil kasoo jeeda ee la dilay ayaa ka qeyb galayay ciyaarihii olombikada ee ka dhacay dalka Jarmalka sannadkii 1972-kii, waxaana inta aan la dilin kahor ciyaartoydan loo geestay afduub .

Wadahadalo muddo dheer u socday dowladda Jarmalka iyo ehelada ciyaartoyda la dilay 50-sanno kahor ayaa lagu dambeyn heshiis laga gaaray, waxa ayna dowladda Jarmalka ogolaatay in ay bixiso lacag gaareysa $28 milyan oo dollar oo magdhaw ah.

Lacagtan magdhawga ah ayaa loo qorsheeyay in ay kala bixiyaan dawladda Federaalka ee Jarmalka ayaa bixin doonta $22.5 million oo dollar, halka gobolka Bavaria uu isna bixin doono $5 milyan, maamulka magaalada Munich ayaa iyaduna bixinaya $500,000 .

Weerar afduub ah oo dalka Jarmalka ka dhacay bishii September ee sannadkii 1972 ayaa lagu dilay 11-qof oo ciyaartoy Israa’iil kasoo jeeday ,shan qof oo kasoo jeeday Falastiin iyo sidoo kale sargaal katirsanaa booliiska Jarmalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo fashiliyey qaraxyo Al-shabaab ku aaseen duleedka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo lagu cadaadinayo in Hargeysa kusoo dhaweeyaan Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade

Nabadoon Xasan Cali Muude oo la dilay iyo mid kamid ah raggii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---