Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan magaalada Kisumu oo ku taalla galbeedka dalka Kenya, xilli Maxkamadda sare ee dalka Kenya la filayo in ay go’aan kasoo saarto natiijada doorashada ee lagu muransan yahay.
Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya qoraal ay soo saartay ayey ugu digtay muwaadiniintooda in ay tagaan magaalada Kisumu, waxa sidoo kale ugu baaqday kuwa hadda jooga in ay taxadar muujiyaan.
Qoraalka kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Mareykanka loogu baaqayo in ay ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaaddaan iyo goob kasta oo amnigeedu sugneen inta ay joogaan magaalada Kisumu.
Magaalada Kisumu waxaa kasoo jeeda Musharaxii la shaaciyay in doorashada looga guuleestay ee Raila Odinga, waxaana laga cabsi qabaa in magaaladaasi ka dhacaan rabshado haddii maxkamadda sare go’aamiso in William Ruto guushiisa sax tahay.
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa shanta bishan oo ku beegan maalinta isniinta ku dhawaaqeysa go’aanka kama dambeysta ah ee ku aadan doorashada Madaxweynaha ee dalkaasi ka dhacday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com