Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin dili rabay Madaxweyne kuxigeen oo la qabtay kaddib markii u dhici weysay Bistoolada

Madaxweyne ku xigeenka dalka Argentina, Cristina Fernández de Kirchner, ayaa si dirqi ah kaga badbaaday toogasho uu u geesan rabay nin hubeesan, xilli ay ku dhax jirtay qaar kamid ah taageerayaasheeda.

Ninka hubeesnaa oo watay bistoolad ayaa madaxa ka saaray kuna riday, balse waxaa ninkaasi u dhici weysay xabada, waxaana si degdeg ah ninkaasi hubeesnaa gacanta ugu dhigay ciidamo ilaalo u ahaa madaxweyne kuxigeenka Arjentina.

Haweeneydan toogashada ka badbaaday ayaa ku sugneed afaafka hore ee gurigeeda ay isugu soo aruureen qaar kamid ah taageerayaasheeda, waxa ayna xilligaasi Cristina Fernández de Kirchner ku mashquulsaneed salaamida taageerayaasheeda.

Ciidamada booliiska dalka Arjentia ayaa bilaabay baaritaano ku aadan isku daygan dil, waxaana dhacdadan hadal heyn badan ka abuurtay gudaha Arjentin iyadoona la isweediinayo sababta weerarka fashilmay ka dambeesay.

Iskudaygan dil ee ka badbaaday madaxweyne ku xigeenka Arjentia ayaa kusoo aadaya xilli lagu soo oogay dacwad la xariira musuqmaasuq, waxaana haddii kiiskan lagu helo wajihi kartaa sannado xabsi ah iyo in siyaasadda laga mamnuuco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf la xiriira kiiska Badda oo soo kala dhex galay Madaxweyne Kenyatta & Wasiirkiisa A/dibeda

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya iyo Care oo heshiis muhiim ah kala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade

Xisbiga Himilo Qaran oo si kulul u difaacay cabashada Ganacsatada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---