Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Xasan Shiikh kala hadlay danjire Fei Shengchao?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya dalkeenna Mudane Fei Shengchao.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safiirka Dowladda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, diblomaasiyadda iyo doorka ay dowladdiisu ka qaadan karto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gacan siinayaan adkeynta amniga, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta maalgashiga.

Waxaa uu xusay in ay ku garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ilaalinta madax-bannaanidooda dhuleed, siyaasadeed iyo difaaca gobanimda Qarankooda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Puntland ku bogaadiyay Dhismaha Dekedda Garacad (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ku lugeeyay Suuqa magaalada Qardho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Lix ka mid ah Shaqaalaha Hormuud oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---