Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saacadaha soo aadan xil ka qaadis lagu sameeyo qaar kamid ah taliyaasha ciidanka dowladda iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa.
Golaha Wasiiradda oo maanta yeelanaya kulankooda caadiga ah ayaa loo badinayaa in ay soo jeediyaan isbadal lagu sameeyo taliyaasha ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale guddoonka maamulka Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wararku sheegayaan in latashi badan ka yeesheen isbadal lagu sameeyo taliyaasha ciidamada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Wali lama oga cida lagu bedeli doono taliyaasha ciidamada ee xilka laga qaadayo iyo sidoo kale guddoonka maamulka gobolka Banaadir, waxaana jira xubno si weyn loo hadal hayo in la magacaabi doono oo ku dhaw madaxweyne Xasan Sheekh.
Taliyaasha ciidamada milatariga ,booliiska iyo xubno katirsan maamulka Gobolka Banaadir uu ugu horeeyo Cumar Finish ayaa aad ugu dhawaa madaxweynihii hore Farmaajo, waxa ayna xubnahan qeyb ka ahaayeen qorshihii muddo kororsiga ee fashilmay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com