Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Eritrea oo kusoo laabtay Dagaalka ka socda Tigrey iyo Weerar saakay ka dhacay

Ciidamada federaalka Itoobiya oo gacan ka helaya ciidamada dowladda Eritrea ayaa la sheegay in saakay duulaan culus ku qaadeen deegaano katirsan gobolka Tigrey ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Afhayeenka ciidamada Tigrayga, Getachew Reda, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea oo is garabsanaya weerar culus saakay oo khamiis ah kusoo qaadeen deegaano dhaca gobolka Tigrey.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamada federaalka iyo kuwa Eritrea weerar ballaaran oo afar jiho ah ku qaadeen degaanka Adyabo oo katirsan gobolka Tigrey,waxa uuna sheegay in ciidankooda iska difaacayaan duullaanka lagu soo qaaday.

Dowladda Itoobiya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay jabhada TPLF ee dagaalka kula jira ciidamada federaalka, waxa ayna diideen in ay ka hadlaan afhayeenada dowladda ee inta badan ka hadla howlgalada socda.

War kasoo baxay dowladda Itoobiya shalay oo arbaco aheyd ayey ku eedeeyeen kooxda TPLF in ay soo qaadeen weeraro dhoor jiho ah, waxa ayna dowladda sheegtay in ay ka shaqeenayaan sidoo loo soo afjari lahaa kooxda TPLF .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo meel mariyay Sharciga Batroolka dalka

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo xilka ka qaadis iyo magacaabis sameeyay (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---