Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin aroos ahaa iyo dad kaloo badan oo ku dhintay goob ay ka socotay xaflad aroos !

Dhacdo dad badan argagax ku beertay ayaa laga soo tabiyay in ay ka dhacday deegaan katirsan magaalada Markurdi ee gobolka Benue ee dalka Nageria, waxaana goob xaflad aroos ka socotay mar qura ka dhacday musiibo aan la fileyn.

Guri xaflada arooska ka socotay ayaa waxaa ku dhintay lix qof uu ku jiro ninkii arooska ahaa, waxaa sidoo kale goobtaasi laga qaaday sideed qof oo kale oo iyagana qaarkood xaalad halis ah ku jireen.

Dadka ku dhintay goobta xaflada arooska ka socotay ayaa waxaa kamid ah nin la dhashay gabadha aroosada aheyd iyo labo wiil uu dhalay, waxaa sidoo kale iyaga oo halis ku jira la qaaday waalidka arooska iyo sidoo kale gabadha aroosada aheyd.

Wali lama oga waxa sababay geerida ka dhalatay goobta xaflada arooska ka socotay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in suurto gal tahay in dadka la siiyay raashin sumeesan , halka warar kalana sheegayaan in qiiq sumeysan ku baxay goobtii ay joogeen.

Taliyaha booliiska deegaanka, Eungu Ahmed Ammani, ayaa ku amray waaxda dambi-baarista inay baaritaan qoto-dheer ku sameeyaan sababta keentay geerida dadkaasi, waxaana socda ogaanshaha waxa keenay dhibaatada ka dhacday xaflada arooska.

Booliiska ayaana ka codsaday dadka ku dhaqan deegaanka dhibaatadu ka dhacday in ay isdejiyaan kana war sugaan baarista lagu ogaanayo dhibaatada ku dhacday labada qoys ee xaflada arooska ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamze oo warbixin ka dhegeystay Guddoomiye Dr. Cali Ciise (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo saakay inta badan xiran (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shil Diyaaradeed oo goordhaw ka dhacay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---