Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Xassan Shiikh oo magacaabay Ergay cusub & la taliyaha Arrimaha Shidaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf.

Madaxweynaha oo Labadan Mudane ku soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan, kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey Ergeyga Gaarka ah ee Gannacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaalla.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay; Talaada, 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Related posts

Dilal caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa oo xukun adag ku riday Abwaanad Naciimo Qorane

Caydiid Ali

Xildhibaano badan oo saf ugu jira la kulanka Ra’isul Wasaaraha cusub iyo ujeedka keenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---