Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

(Daawo Sawirro) Meydka Nin isgubay oo laga helay guri ku yaalla Hargeysa

Waxaa maanta abaaro 1:00-dii duhurnimo ku Geeriyooday xaafada Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa nin lagu magacaabo Axmed Nuur Sheekh Muumin ka dib markii dab is qabadsiiyay.

Ciidamada Dab-demiska Hargeysa ayaa markii lagu soo wargeliyay, waxay si degdeg ah u gaareen goobtaas, hase yeeshee marxuumka oo kaligii guriga joogay, hoostana Albaabka ka soo xirtay ayaa lagu guuleysan waayey in la badbaadiyo.

Weli ma cadda sababta uu isku gubay, hase yeeshee waxay ehelada marxuumku sheegeen in hayey xanuun xaga maskaxda ah, kana yimi Qurbaha, kaligiina guriga uu ku noola.

Ciidamada Booliska gaar ahaan Qaybaha CID da iyo CTU da ayaa iyaguna goobjoog ahaa, kiiskaasna hadda gacanta ku haya.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa bulshada uga digay in caruurta, dadka waaweyn iyo dadka maskaxda ka jirranba aan lagaga tagin guryaha kaligood.

Related posts

Xassan Shiikh: “Ciidamada DF ayaa na soo weeraray aniga iyo Shiikh Shariif”

Caydiid Ali

Wasiir shaaciyay tirada Xildhibaannada mucaaradka ku ah Xukuumadda

Cabdi Cade

Daawo: Xaalada Belad-Xaawo oo kacsan & Madaxda Dowlad goboleedyada oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---