Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dhambaal laga siday Madaxweyne Xassan Shiikh oo la gaarsiiyey Amiirka Qatar

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Amiirka Qatar.

Ergeyga oo casuumad rasmi ah ku tegay dalka Qatar maalintii shalay ayaa maanta kulan la qaatay wasaaradda Arrimaha debedda, isaga oo u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Dhambaalka ayaa ku aaddanaa sidii Dowladda Qatar uga qeybqaadan lahayd gurmadka Abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Ergeyga aya ka sokoow dhambaalka uu gudbiyay waxa uu si faahfaahsan uga warramay Amiirka xaaladda daran ee ka dhalatay abaarta ka taagan waddanka.

 

Related posts

Xildhibaannada labada Aqal oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka qoondada miisaaniyadda …

Cabdi Cade

Maamulka Gobolka Banaadir oo Eedeyn culus u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo maanta kusii jeeda dalka Iran iyo Madax kala duwan oo dalkaasi…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---