Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaaliyeed oo isaga hartay Doorashada Baarlamanka Sweden kaddib markii …

Gabar asalkeedu Soomaali yahay, balse heesata dhalashada dalka Sweden ayaa shaacisay in ay isaga hartay doorashada baarlamaanka dalkaasi, kaddib markii gabadhaasi dil loogu hanjabay.

Nasteexa Maxamed oo ah 23-sanno jir asalkeedu Soomaali yahay ayaa go’aansatay in ay isaga harto doorashada baarlamaanka ay u taagneed, waxa ayna sheegtay in dil loogu hanjabay ayna ku adkaatay in doorashada ka qeyb gasho.

“Ma lihi tabar aan ku yeesho dhaqdhaqaaq siyaasadeed. Markay xaaladdu gaadho in dil la iigu hanjabo, ilaa iyo goormaan adkeysanayaa mar unbaad quusaneysaa,” ayey tiri Nasteexo Maxamed.

Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay u hanjabeen xubno katirsan kooxaha cunsuriyiinta ah ee kasoo horjeeda soo galootiga, waxaana gabadhan cabsi lasoo daristay darteen go’aansatay in doorashada isaga harto.

Nasteexa Maxamed ayaa ah gabar da’yar oo caan ka ah dalka Sweden , waxa ayna si weyn ugu ololeysa “la dagaallanka qabyaaladda iyo cadaadiska dumarka loo geysto, gaar ahaan Soomaalida Sweden ku nool.

Doorashada guud ee dalka Sweden ayaa lagu wadaa inay dhacdo bisha September ee beri bilaabaneysa, waxaana lasoo dooran doonaa oo xisbiyada dalkaasi ka jira ku tartamayaan 349 kursi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rasaas ka dhacday xerada 21-aad xili uu ku sugnaa Madaxweyne Qoor Qoor iyo Khasaaro …

Cabdi Cade

Madaxweyne Akinwumi Adesina oo Boggaadiyay Barnaamij ay Horumar ka sameesay Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Laftagareen oo u dabaaldegay Sanadguuradiisii 4aad, xili uu xaalku ku xun yahay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---