Waxaa saakay si rasmi ah u bilaabatay dhageysiga dacwadda la gudbiyey ee doorashada Madaxweynaha ee Kenya, taasoo ka dhan ah natiijadii doorashada ee dhacday 9-kii bishan Ogosto, lana shaaciyay in uu ku guuleestay William Ruto.
Qareenada u doodaya mid kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimada ee Raila Odinga, ayaa hadda soo bandhigay kiiskooda, waxay doonayaan in ay meesha ka saaraan ku dhawaaqista William Ruto, ee ah inuu yahay madaxweynaha la doortay.
Waxay heystaan ​​lix saacadood oo ay ku gudbiyaan doodda iyo macluumaadka ay xambaarsan tahay.
Qareenada dhanka sharciga ee, Madaxweynaha la doortay ee William Ruto, iyo kuwa matalaya guddiga doorashada, ayaa sidoo kale gelinka dambe ee maanta wajihi doona 7-da garsoore.
Dhinaca kale, kormeerka, baadhista iyo dib-u-tirinta codadka 15 goobood oo lagu muransan yahay codadkii laga dhiibtay, ayaa sidoo kale ka socda xarunta maxkamadda sare ee magaalada Nairobi.
Dadka reer Kenya, ayaa si weyn ula socda dacwadda laga sii daynayo taleefishinka ee maanta si buuxda loo daawanayo, waxaana xukunka maxkamadda sare la filayaa in uu soo baxo 5-ta bisha September.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com