Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maamulka Puntland oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Federaalka iyo Khilaaf cusub oo..

Waxaa soo banaan baxaya khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, waxaana khilaafka durba ka dhax bilowday wasaaradda maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal oo wareysi bixiyay ayaa ku eedeeyay wasiirka cusub ee maaliyadda Soomaaliya in uu hareer maray dhammaan heshiisyadii u dhaxeeyay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo kuwa maamulada.

Waxa uu sheegay Xasan Abgaal in wasiirka cusub ee maaliyadda Soomaaliya uu kaligiis gaaray go’aano uusan kala tashan wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada, waxa uuna xusay in go’aankii ay soo saareen arrintaasi sababtay.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in shuruud uga dhigayaan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya haddii ay dooneyso in lasoo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay in marjka hore ilalaiso heshiisyadii ay gaareen .

“Dalku waa Federaal, wasaaradda Xamar joogta oo keliya ma ahan, waxaan rabnaa sidii aan u wada shaqeynaynay, dowladdu in ay ka madax banaanto qof kaligii in uu yiraah aniga sidan iri” ayui yiri wasiir Xasan Shire.

Dowladda federaalka gaar ahaan wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayana wali ka hadli go’aanka xiriirka ugu jareen wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada, waxaana la filayaa in dowladda arrintan war kasoo saarto saacadaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo gaaray Qaahira si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xoghayihii Arrimaha dibeda ee Maraykanka oo xilkii laga qaaday (Yaa lagu bedelay)

Caydiid Ali

Abuukar Cabdi Geelle oo shaaciyey inuu xilka iska casilay, kana hadlay Sababta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---